Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 07 2008
Maxkamadaha oo ka soo Horjeestay Maamul Shalay Looga Dhawaaqay Kismaayo
Written by Ali Moallim   
Sunday, 07 September 2008

Jabuuti,(insidesomalia.org)- Madaxa Siyaasadda iyo arimaha bulshada ee midowga maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed Sheekh Ibraahim Shugri oo ku sugan degmada Afmadow ee Gobolka Jubada hoose ayaa ka soo horjeestay Maamul shalay la shaaciyey in magaalada Kismaayo ay uga dhawaaqeen xoogag isbaheystay oo dhowaan xoogagga ku qaabsaday ee meesha ka saaray Maamul beeleed ka jiray halkaasi in muddo ah, isagoo ku tilmaamay maamulkaasi mid aan waxna ka jirin oo aan loo dhameyn.

 

Sheekh Ibraahim shugri ayaa intaa ku daray in maamulkaasi ay dhismihiisa ka dambeeyeen koox gaar ah oo keligood go’aano iska gaaray, kuwaasoo uu sheegay ineysan wax wada tashi ah kala sameynin kana qeyb gelinin dadkii lahaa Maamulka ee deegaanka waxgaradkiisa iyo odayaashii hormuudka u ahaa, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in maamulkaasi dib looga laabto si loo saxo khaladaadka uu sheegay iney ka muuqdaan.

             

“Maamul sidiisaba shaqsiyaad ma laha ee bulshada ayaa iska leh, waxaana muuqata in maamulkan hadal looga dhawaaqay magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu fududaaday oo ay keligood sameeyeen Al Shabaab iyo xubno ka tirsanaan jiray maxkamadaha Islaamka oo hase ahaatee sheegay iney ka baxeen, mana jiraan wax talo gelin ah oo aan ku leenahay maamulkaasi haddii aan nahay maxaakiimta Islaamka iyo dadkii halkaasi ku dhaqnaa” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Shugri.

 

Madaxa warfaafinta ee maamulka cusub ee shalay looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in maamulkaasi uu yahay mid Islaami ah oo aan lagu saleynbin beel, ayna bulshada gobolka u dhan yihiin lagalana tashaday cuqaasha iyo odayaasha beelaha halkaasi ku dhaqan, lamana oga illaa hadda saameynta khilaafkan la xiriira dhinaca maamulka uu ku yeelan doono xoogaga Al shabaab iyo maxaakiimta Islaamka oo iyagu si wadajir ah magaalada uga saaray maleeshiyadii ka talineysay dhowaan.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >